Posts

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Image
• "Waqtigeena qayb weyn oo kamid ah waxaan ku dhuminaa inaan nafsadda kumashquulino soo xasuusashada maalmo tagay, Si aan lurka iyo murugadda waqti taagan isku iloowsiino, Waana Sababta aan had iyo goor u dhahno: Waan idiin xiisey/ Maalmahaas Wali waan tabayaa/ Sanadadaas ayaa ahaa kuwii iigu farxadda badnaa/ Nasiib ma uyeelan doonaa inaan markale waqti ku qaato meel hebla? iwm." Oo Maxaa Dhib Kujaban? • Afkaarta Caynkaan oo kale ah dib u dhac mooyee horumar nagusoo siyaadin mayso, Kaliyatee Waxay naga Hor istaageysaa Inaan dhisano Khayaalkeena ku aadan maalmaha soo socda. Maxaan Uga Baahanahay Khiyaali? • Maadaama rabitaankeena ah gaarista himilo fog oo ku aadan Mustaqbalkeena uusan ahayn mid hadda aan gacanta kuhayno haddaba waa khiyaali u baahan ka dhabayn iyo dadaal joogto ah, • Sidaas si lamid ah ayaa Qofba inta Qofka kale ka khiyaali badanyahay ayuu ka rabitaan iyo damac badanyahay, Sidaas Awgeed ha isku yareyn inaad had iyo goor nafsadaada waqti u

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Image
Qoraa ree Masaari ah oo wax ka qori jiray Culuumta loo yaqaan "Cilmi Nafsiga", ayaan xasuustaa inaan mar akhriyey mid kamid ah Buugaagtiisa, anoo markaas ahaa ardey dhigta fasalka 6aad, mudadaas oo hadda laga joogo muddo 8 sano ah, Waxaa jiray sadaro aad ii cajab geliyey markaas oo aan su'aalo badan iska weydiiyay ilaa maalinka maanta ahna aan weli sidii si lamid ah uga fikiro, Erayadaas oo ahaa: o نرى ما لا نريد ونريد مالا نرى، فنفقد قيمة ما نرى ونضيع في سراب ما لا نرى، “كن حريصا ألا تفقد قيمة ما ترى o “Waxaa had iyo goor noo muuqda wax aanan rabin, waxaana daba joogna raadinta waxaanan muuqan, Markaas Ayaan seegeynaa (waayaynaa) qiimihii waxa noo muuqdey, Waqti badana nooga dhumayaa ka daba orodka wixii aan noo muuqan, Ku dadaal inaad garab marin qiimaha fursadda ku hortaal” كتاب ((غير حياتك في 30 يوم)) د / ابراهيم الفقى رحمه الله Dr. Ibraahim Al-fiqi Kitaabkiisa ((Kubadal Noloshaada 30 maalmood)) Tusaale aan usoo qaadano Inan soomaaliyeed oo u hanqal taa

MA AHAN INAY LIBINTU KURAACDO MADASHO DOODA

Waxaa Lagasoo wariyay in Yuusuf bin Cabdi aclaa ( arday kamid ah ardaydii Imaamu Shaafici ) uu maalin ku khilaafay imaamkiisa Maxamed Bin Idriis Al-shaafici mas’alo diini ah xilli markaas imaamku darsi ( cashar ) uu kabixinayay masajid! Wuu istaagay yuusuf isagoo xanaaqsan, casharkiina halkaas ayuu uga dhaqaaqay, gurigiisa ayuuna iska  aaday!!! Markii waqtigii isguray oo gudcur noqotay (habeen aan dayax soo jeedin ) ayuu yuusuf maqlay qof xiligaas albaabkiisa soo gaaracaya. Yuusuf : waa kuma ? Qofkii albaabka garaacayay: waa Maxamed bin Idiriis, Markaas ayuu yuusuf fakaray oo isweydiiyay qof magaciisa layiraahdo maxamed bin idriis oo imaamkiisa shaafici ka ahayn!!! Kadib markuu kudhiiraday inuu albaabka furo saa waaba imaamkiisii Shaafici ee maanta uu agasoo dhaqaaqay isagoo masaajidka dhex fadhiya, Markaas ayuu Imaamu Shaafici hadalkiisa sidaan kubilaabay: “ * Yuusufoow iyadoo boqolaal mas’alo ay namideeyaan oo aan isku ra’yi kunahay miyaan hal mas’alo awgeed kukala tagaynaa?!, *H

Bal Adigu Cinwaan Uhel Qoraalkan:

Image
????????? ....................................... Waxaan Noolnahay Waqti aan laqabsanay geeridii, Rafaadkii , Dulunimadii iyo Jahaligii intaba. Waxaan Joognaa Waqti qof kastoo dhinta Loo raaciyo " Allaha Unaxariisto" oo aan ficil kale jirin kii dhaawacmana " Allah u boogo dhayo" lana ogyahay ciddii dulmigaas gaysaty. Waxaan Joognaa Waqti ay madaxa Naga haystaan anagoo malaayiin ah , oo siday doonaan naga yeeli karaan Koox cadad iyo tiro kooban leh, oo hal qof oo kadhiidhin kara aad moodo inaysan Wali hooyo dhalin. Geeridii iyo Rafaadkii ayaaa nala darsay, oo waan niyad jabnay, Waxay badideen iska dhaadhiciyeen Oo ufakaraan ama ku taahaan inuusan Faraj danbe jirin, oo waligeed aan sidaan ku waari doono, Sababtoo ah Wiilka soomaaliyeed ee maanta 25 sano ahna kan laga dhowrayay isbedelka iyo sabab u ahaanta horukaca Wadankiisa ayaaba Kusoo barbaaray wadan iyo Qaran dunsay oo malaha waxayba umoodeen in beledku ilaa soo jireenkiisii sidaas ahaa sidaanna kuwaari

Isu Qaawintaydaa Loo Qooro Wayn Yahay

"Markay Walaalkiis is hayaana Libaax, Markay Dagaalka shisheeya Gaartana fulay Goroyo" "أسدٌ عليَّ وفي الحروب نعامةٌ" °Taariikhda ma akhrino, hadaan akhrina malaha maba fahano, shalay ayay Ahayd sidii muslimiintii naga ilbaxninada dheera Ee ree Andalus ( Dhulka maanta ay dhacaan dawladaha Isbaanashka iyo Burtuqiiska) dhexdooda looga shaqeeyay ee dawladaha Daciifka ah loogu Qaybshay, kadibna loo wiiqay awoodoodii ilaa maalintii Ugu danbaysay laga qabsaday gacan kuhaynta magaa aldii qudha ahayd ee gacantooda kuharsanayd ee loo yaqaanay Qarnaada ( maantana ah Granada -Isbaanashka) kadibna Boqorkii magaaladaas uu oohin jabsaday oo hooyadiis oo markaas lasaarnayd doontii ay kusoo fakadeen ay ugu halqabatay oraahdii caanka noqotay ee ahayd: "Hadii kursigii ( maamulkii dowlad goboleedkiisa) sidii nin ragga aad ilaashan wayday, u ooy sidii dumarkii". °°Marka Maxay micno noo samayn kartaa taariikhdaas wali raadkeeda sii qoyan tahay oo nimcadii laga qaatay

"Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan"

"Mararka Qaar Dabayshu waxay usocotaa sida aysan Doomalaydu rabin (kaluumaystada ama gamacsatada Badda). °´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´´´´°°´´´´´´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´° Waxaa Suurta gal ah in had iyo goor uusan rabitaankaagu kuugu suurtagalin sidii saxda ahayd ee aad udamacsanayd, balse Si sidaas liddi ku ah ay wax udhacaan. Ma isweydiisaa marar badan nafsad ahaantaada su'aalo badan oo ay usoo horeyn karaan: 1- ma nasiib laawe ayaan ahay oo waxkasta sidaas ayay iiga halaabaan? 2- Ma towfiiqda ayaa si iga ah (waafiqidda sida aad wax urabto) oo aan waxkasta kuwaayaa? 3- Ma waxa aan doonayo gaaridiisa ayeysanba suurtagal ahayn oo meel cidlo ah ayaan kajaxartamayaa? 4- Mise aniga ayaa wado khaldan haya oo waxaan gaariidiisa rabo meeshaan maba yaalo? Iyo su'aaalo badan. Inkastoo sababaha kor kuxusan dhamaan ay suurtagal u noqon karaan Gaarid la'aanta rabitaanka, haddana markasta tixgali awooda iyo kartida aad hibo ahaan uleedahay oo ALLE Sw kugu manaystay

Maalmaha Aduunka

Maalmaha Aduunka. ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Lagasoo bilaabo Maalintaad garaad iyo maan wax qayba yeelatay Waxaad maqlaysay in "odeygii reerku saaka hiraabtii hore shaqo ujarmaaday" oo way yarayd in la arko isagoo kasoo ag kacaya caruurtiisa, had iyo goor wuxu qalbiga kuhayaa waa sidii uu nolol maalmeedkooda usoo gacan galin lahaa kan naaska nuugaya ilaa kan tilaabsaday, Odeygu wuxuu dhididkiisu u tifqayaa oo uu ku han weyn yahay waa inuu arkaa ayagoo tilaabsada oo tooda iyo tiisaba maareeya mar uun, noqdana mid kunasta oo hela nolol farxad iyo naruuro badan. Balse Waxaa is weydiin mudan, Xaqiiqdii madhacdaa inay rumowdo riyadiisii? Hadayba dhacdase ilaa intee le'eg ayay usii waartaa? Asaguse muddo intee dhan ayuu dhadhanshaa miraha guusha uu gaaray? Ma ugu riyaaqaa si taam ah oo naaqus kujirin mise wali waxbuu tabaa? Mise Waqtigiisa gabaadsaday iyo gabowga (da'da) ayaa kahor istaaga Ku tamashlaynteeda? Asaga bal intaas kudhaafoo,